top of page

7 TILMAAMOOD KUGA CAAWISA INAAD NOQOTO SHAQSI HORAY U SOCOD AH!

  • Writer: Mohamed salah
    Mohamed salah
  • Mar 30, 2018
  • 2 min read


1. Fikirkaaga badal marka aad ku jirto xiliyada adag

Awooda ah in aad noqoto qof horay u socodo waxay ku xirantahay hadafkaada. Ogow hadii aad ogolaato marka uu dhib kusoo raadsado in niyada iska dhahdo faaiido malaha hawsha aad hayso,meesha aad taagantahay ayaa ku hareysaa.

xiliyada adag marka aad ku jirto badal qaabka aad u fikireyso, hadii kaliya aad la qabsatay dhibaato la’aan waa in aad la qabsataa dhibaatada oo aadna ku fikirin in aad is dhiibto, sababta oo ah caqabada kaasoo baxaysa ayaa ka daran mida aa mareyso. Mar walbo dhinaca fiican wax ka eeg.

3. Dhibaato haka dhuuman

Hadii aad isku dayeyso inaad ka dhuudhuumato dhibatada meel dheer kaama jirto ilaa si cad ah aad u waajahdo.

Marka aad wajaheeyso dhibaatooyinka wey xanuun badanyihiin taa waa run aad ayee u xanuun badantahay, ha ilaabin mudo kooban ayee joogeysaa, laga yaabo daqiiqado,saacado, maalmo, bilal ama sanado xitaa, dhibaato walba waad gudbaeysaa hadaa waajaddo, laakin hadaa ka dhuumato, nolosha inta kaaga dhiman wey kula joogeysaa.

2. Khibradaadaisticmaal si aad u korto

Dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku soo waajaha waa khibrada kaliya aad nolosha ka hesho noocey rabaan ha noqdaan, Hadii maanta caqabad ku qabsato caqabada xalkeeda raadi marka aad xalka heshana caqabadi ku qabsatay yeeyna kugu soo laaban oo ha iloobin waa cashir aad ka baraneeyso nolosha.

4. Horay u soco sabarkana badi

Horay u socodka ayaa wuxuu ka bilaawdaa talaabo talaabo, talaabo walbo aad qaado la soco oo ha ahaato mid hamigaa kuu ifiya.

markaad goaansato in aad horay u socoto, dad badan ayaa kaa hor istaagaya, dad badan aan arki karin hamigaaga, dad badan aan fahmi karin hawsha aad qabaneyso, u dulqaado hadey jiraan waxyaabo ku hortaagan kuwaasoo kaa xiga xaga horay u socodka.

5. Hadafkaada maskaxda ku haay

Aad ayee u fududahay inaad lumiso hadafka aad leedahay hadii dhibaatooyin kusoo wajahaan. Marka aad aragto inaad dhibaato ku dhax jirto maskaxdaada ka dhax bixi dhibaatada, sawiro hadafkaaga, niyadaada u sheeg in dhibaatada aad mareyso ay qeyb kayihin wadada aad horumar ku gaari laheyd.

6. Ha shalaaynin

Shalaayda waa sheey xaaraan ah mana fiicno, waxey kaa hor istaageysaa inaad horay u dhaqaaqdo sababtoo ah mar walbo oo aad dhahdo ala waxaas maxaan u sameyn waayay waxey kugu dhalineysaa wal wal waqtigaagana waxaad iskaga khasaarineysa wax laga tagay.

7. Mas’uuliyada is saar

Hadii aadan dooneynin inaad mas’uuliyad iska saarto khaladaadka aad sameyso, horay u socodka noloshaada waxey noqoneysa wax adag.

Hadii aadan mas’uuliyad isa saarin oo khaladaadka kaa dhaca aadan qaadanin kaliya waxaad ciyaareysaa ciyaar eedeyn ah oo maanta dhan waxaad diyaar u tahay in lagu eedeeyo.

Mas’uuliyada aad nafsadaada saarto waxey ku siineeysaa kalsooni dheeri ah.


 
 
 

コメント


bottom of page