Ha lumin waqtigaa
- Mohamed salah
- Mar 30, 2018
- 2 min read

Wiligaa ma jecleysatay inaad lahaato baqaar qarsoodi ah oo qalab iyo maal iyo wax walbo aad doonto ka buuxo xiligaa u baahato?
Ama qalab aad qaadan karto oo looga tala galay in uu ku caawiyo si aad u burburiso wax walbo oo kaa hor imaado oo awood ku siiya si aad u gaarto guushaada. Meel aad aado si aad rayi ama fikrad u hesho, dad kula taliya markaad marxalad adag mareyso. Waxaa laga yaabaa in aad la dagaaleyso goaan adag oo noloshaada dhan badalaaya. In aad ka fikireysid arintaan sidee horay uga socdaa aan uga dhaqaaqaa. Waxaad u baahantahay meel aad tagi karto, meel waano, rayi, fikrad,caawinaad iyo dhiira gilin aad ka heleyso markey xaalada adkaato.
Taasi waa guusha aan kula jeclaaday markaan Horay U Soco sameynayay. Waxaad ka heleysaa noocyo fara badan aan kuu caawin karno si aad horay uga socoto aad u gaarto heerka aad dooneyso.
Si kasta ha ahaatee, intaan bilaabin ka hor,arin nasiib daro laakin muhiim ayaan kuu sheegaa. Hadii aadan isticmaalaynin websitekan, fadlan hada laabo.
Bulshadeena ka bax (unsubscribe) oo iska bax.
Xoojinta waxqabad iyo go`aan la`aantaada waxba manoo soo kordhineyso halkan.
Horay U Soco ma aha qoraal looga talagalay in la aqriyo, aqrin maku fameysid macnaha ku duugan, waxaa looga tala galay in ay kuga caawiso ay kusoo xusuusiso sawabta aad u sameyneyso waxa aad sameyneyso, waa maxay ula jeedadaada.
Waxaan abuureynaa bulsho dhaqdhaqaaq leh, geesi ah. Kuwa kasoo dhaqaajiyay wax walbo oo marmarsiyo ah oo goaansaday in ay rumeeyaan riyadooda ay gaaraan guushooda. Waxaana dooneynaa inaa nagu soo biirto, laakin hadaa diyaar u tahay inaa goaan ku qaadato inaa gaarto guushaada oo horay u socod noqoto wax walbo oo dhoco.
HAYEH, wili ma joogtaa, soo dhawoow gacmo furan kusoo dhawow Ilaahayna garabkaaga ha galo.
Aan bilawno.
Comments