top of page

Safarkaaga diyaar ma u tahay

  • Writer: Mohamed salah
    Mohamed salah
  • Mar 30, 2018
  • 1 min read

WAA KU SALAAMAY, GEESI


Waxay na dhahayn “ha sameynin, ha yeelin, hayeey, xuux, yaa u baahan waxaad sheegeyso iyo waxaad qoreyso, yaa waqti u haaya oo aqrinaya, meel maku gaareysid.” ka kac dheh.Waa ku dhaqaaqay, waana sameynayaa, waxaan rabaa in khayraadka iyo aqoonta Ilaahay na siiyay noqoto mid aad u qiimo balaaran, caqli iyo fikrado iyo aqoon is weydaarsano.


Hadaa marti noo tahay oo halkaan mar ka dib aadan soo noqon dhib malah. Laakiin waxaa laga yaabaa in aad ka hesho habka aan u hool galeeno oo naga faaideysato. Waxaa laga yaabaa in aad jecleysato is badalka aan abuureyno. Si walbo aad goaansato, waxaan rajeyneynaa inaa qalabkan u isticmaasho sida aad jeceshahay. Gudaha u gasho, macnihiisa oo kaa dhaadhaco aadna fahanto.


Halkaas nooc ayaa jidkaaga ku mari kartaa, hadaa dooneyso in aad horay u socoto.

Filo in aad kala soocdo howlahaaga aad kala shaandheyso wax walbo oo kuga saabsan, wax walbo ay kuuga qaadato.


Goaanso HADA in diyaar u taha jihada, jidka hamiga iyo horumarkaaga in aad qaado. Hadal, war iyo waxyaalaha maala yacniiga ah aad goyneeso, in waqtigaaga aad xisaabineyso aad qoorsheyneyso, inta kalana iyada iska imaanaysa


Hayeh, diyaar ma tahay, ma bilaabnaa safarka?


 
 
 

Comments


bottom of page