BADAL FIKIRKAAGA 1. Fikrada iyo Shaqsiyada
- Mohamed salah
- Mar 30, 2018
- 2 min read

1. Fikrada iyo Shaqsiyada
muhiimada, "Badal Fikirkaaga” kuma koobna kobcinta shaqsiyadaada ee waa qaabka aad ku gaari karto xaalad iyo marxalad ku haboon noloshaada. Runta ayaa wexee tahay shaqsiyadaada waxaa sameeyay fikradahaga oo dhan.
Beeraleyda miro ayey abuuraan si ay u helaan geedo, miraha la`aantoodna geedo lama abuuri karo, fal walbo oo shaqsiga ku dhaqaaqo waxay ka imaadaan fikrad, fikrad la`aan fal ma jiro.
Arintan si siman ayey u saameysaa falalka sida “lama filaan ah” ama “laga fiirsan” iyo falalka si kas ah ama bareero cad loo fuliyay.
Falka waa ubaxa fikrada, farxad iyo murug na waa khudaarteeda; sidaa darteeda shaqsiga waa inuu keydsadaa macaanka iyo qaraarka khudaarta oo tacbay.
Fikrada maskaxdeeena ku jirta ayaa naga dhigtay
Dadka aa nahay.
Haduu shaqsi fikrado xun ku fikiro,
xanuun ayuu dareemayaa,
Siduu u dareema ba.
Fikradaha khayroon ayaa
Farxad laga helaa
Shaqsiyada fikrado ayaa koriya, ee ma aha iska yeel yeel, sawabta iyo saameynta fikradaha waa waadax oo maskaxda ayee ku jiraan oo looma been sheegi karo. Shaqsiyad wanaagsan oo sharaf leh ma aha wax jaanis lagu helo ama nasiib loo yeesho ee waa natiijada fikiradaha wanaagsan.
Shaqsiga asigaa is dhisi ama dumin kara; fikirkiisa ayuu ku hirgiliyaa hubka oo isu baabi`in lahaa; woxoo kaloo hirgilin karaa qalabka oo nafsadiisa uga dhisi lahaa farxad, awood iyo xuriyad. Go`aan saxan iyo fikrado si saxan loo isticmaalo, waxay keeneysaa shaqsiyadaada oo kor u kacda oo dhisanta;
Go`aan qaldan iyo fikrado qalad loo isticmaala, waxay sawabeysaa shaqsiyada hoos u dhacda oo burburta.
Inta u dhexeysa labadaan xad dhaafka ah ayaa waxaa ka heleysaa shaqsiyadaha jira, qofkana asaa sameysan kara oo xilqaami kara
cashirada qurxoon ay nolosha na bartay mida uga barwaaqada iyo kalsoonida badan waa-- shaqsiga waa sayidka fikradiisa, abuuraha shaqsiyadiisa, dhisida xaalkiisa iyo aayahiisa.
Shaqsiga leh awood, caqli, iyo fikrad wanaagsan, wuxuu haystaa furaha farxadiisa, wuxuuna awood u leeyahay in uu noloshiiu u xakameeyo qaabka haboon.
Shaqsiga waa sayidka nafsadiisa, xitaa markuu dareemayo daciifnimo; laakin markuu yahay daciif waa sayid nacas ah oo qalad ku hagaya nafsadiisa iyo gurigiisa. Markuu bilaabo in nafsadiisa xisaabiyo, iyo inuu si daacad u baaro sida uu nafsadiisa ku xakameeyo, xiligaas ayuu noqonayaa shaqsi xikmad leh, tabartiisa u isticmaalaya si maskah leh iyo fikirkiisa ka dhigaya mid miro dhaliya. Shaqsigaas waa sayid miyir leh,
Shaqsiga wuxuu awoodaas ku yeelan karaa in uu aqoonsado maskaxdiisa sida ay u fikirto; in uu ilaah isku xiro oo talo saarto, in uu is xisaabiyo iyo in khibradihiisa ka faaideysto. Raadin iyo macdan baaris ayaa dahab iyo macdan igu dhayman lagu helaa, shaqsigana runta iyo xikmadiisa wuu heli karaa, haduu qodo oo baaro maskaxdiisa iyo ruuxiisa; shaqsigaas ayaa ah shaqsi dhisaya noloshiisa, abuuraya mustaqbalkiisa, karaya wuxuu doono.
Shaqsiga wuu awoodaa, haduu fiiriyo, xukumo, badalo fikirkiisa, asoo ilaalinaya saameynta ay ku leedahay nafsadiisa, dadka kale, noloshiisa iyo xaaladiisa, xiriiriya sababta iyo saameynta si dul qaad leh, isticmaala khibradihiisa oo dhan, kuwa yar xitaa, kuwa maalin walba la kulmo, siduu u helo aqoonta nafsadiisaa oo ah fahmad, xikmad, awood.
Comentarios