top of page

Gaar Hadafkaaga

  • Writer: Mohamed salah
    Mohamed salah
  • Mar 30, 2018
  • 1 min read

Horta, maxaa ku keenay halkan?


Waa su`aal muhiim ah soo ma aha? Maxaa ku keenay halkan?


Halkan sawab ayaa u joogtaa. Waxaad rabtaa inaa soo saaris badan yeelato xaga hormarkaaga iyo noloshaada. Horumarka iyo nolosha labo kala duwan ma aha ee waa mid isu xiran.

Ula jeedada #HorayUSoco waa in ay kuga caawisaa sameynta wado aadan ka daaleynin socodkeeda. Wado ku geyneysa heerka aad hamiso. Wado maalin walba nafci leh. Isticmaalka aqoontan waxaa ku abuuri kartaa wado oo wax gadaal kuu celinaayo lahayn, wado maritaankeeda aad kuu qancisa.waxaan damacsanahay aan usoo qalab qaadanay inaa kula abuurno nolosha, shaqada iyo hormarka aa dooneyso… Hada.

Hadaa dooneyso in aad noloshaada 100% sida aad jeceshahay u dhisato, hada ayaa joogtaa halkaad ka bilaawi lahayd.

Hadaa dooneyso in ganacsi aad bilaawdo, hada ayaa joogtaa halkaad ka bilaawi lahayd.

Hadaa dooneyso hormar la taaban karo inaad gaarto, hada ayaad joogtaa halkaad ka bilaabi lahayd.

Hadaa dooneyso in taariiq lama ilaabaan ah aad ka takto, hada ayaa la joogaa halkaad ka bilaawi lahayd.


Qaado GOAAN... GAAR HADAFKAAGA


 
 
 

Yorumlar


bottom of page